Home » WARARKA
Jubba Airways oo dulimaadyo cusub ku sameysay diyaar cusub + Sawiro
Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa keentay markii ugu horeysay diyaarad casri ah wadanka Soomaaliya.
Diyaaraddan oo nooceeda ay tahay markii ugu horeysay ay Soomaaliya ka shaqeyso tan iyo dagaalkii Sokeeye markii uu bilowday ayaa nooceeda yahay Boeing 737/400, iyadoona geli karta socod dheer.
#gallery-1 {
margin: auto;
}
#gallery-1 .gallery-item {
float: left;
margin-top:...
Dood cilmiyeed loo qabtay Haween ka kala socday degmooyinka Luuq, Beled-Xaawo iyo Doolow
Dood cilmiyeed ku saabsan sidii loo mideyn lahaa Haweenka ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maanta lagu qabtay degmada Beled-Xaawo, kaasoo ay ka qeyb galeen in ka badan 100-haween oo ka kala socday degmooyinka Luuq, Beled-Xaawo iyo Doolow.
Hey’adda Wada hadalka Buslahada ee CCD oo soo qaban qaabisay siminaarka ayaa ahaa mid lagu gorfeynayay dhibaatooyinka haweenka xilligan ka heysta colaadaha iyo sidii...
Xilidhibaano oo sheegay in boqolaal qof lagu dilay Puntland
Xildhibaannada baarlamaanka ugu jira beelaha Digil iyo Mirifle oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay soo bandhigeen liiska 206 ruux oo ay sheegeen in lagu dilay maamulka Puntland, iyagoo sheegay inay liiskaas u gudbinayaan madaxda dowladda KMG ah.
Mudanayaasha kulankan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow iyo...
Maxkamadda sare oo SKA u ogolaatay inay kasii shaqeyso garoonka
Maxkamadda sare ee DKMG ah ayaa maanta u xukuntay shirkadda SKA Air & Logistic inay ka shaqeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib dacwooyin u dhexeeyay shirkaddan iyo shirkad kale oo lagu magacaabo Somali Airport Logistic.
Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, isagoo sheegay in shirkadda SKA ay ku joogto heshiis...
Qadaafi oo ku dhaartay inuu Shahiidi doono ama uu ka guuleysan doono kuwa ku soo gardarooday
Mucaamir Qadaafi ayaa khudbad uu jeediyey ku dhaartay inuu Shahiidi doono ama uu ka guuleysan doono dagaalka gardarada ah, tani ayaa timid kadib maalin ka hor markii ay mucaaradka qabsadeen xaruuntiisa caasimada.
Khudbadan oo aheyd fariin cod oo ka timid Col. Qadaafi ayaa laga sii daayay mid ka mid ah Idaacadaha Tripoli, iyadoo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay Col. Qadaafi.
Waxaa uu fariintiisa...
Dr.Cabdiweli oo sheegay in weli ay jiraan dhibaatadii ka dhalatay abaaraha dalka ku dhuftay
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in weli ay taagan yihiin dhibaatooyinkii ka dhashay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay caalamka inay kordhiyaan kaalmadii ay u ballanqaadene shacabka Soomaaliyeed.
Mudane C/weli Gaas oo hadalkan sheegay kaddib kluan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Cali Akbar Saalixi oo booqasho hal maalin...
Midowga Afrika oo maalinta berri shir arrimaha Abaaraha Soomaaliya uga furmaya Addis Ababa
Shir dhaqaalo loogu uruurinayo Abaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah inuu ka furmo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, oo ay isugu imaan doonaan Midowga Afrika.
Sida ay sheegayaan wararka Shirkan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ee Midowga Afrika si gaar ah u yeeshaan, ayaa looga hadlaya xaaladaha abaaraha iyo macluusha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Gudoomiyaha...
Hay’adda UNHCR oo ka walaacsan xaaladda Qaxootiga Somalida ee Yemen
Hay’adda UNHCR ayaa walaac xooggan ka muujisay Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Yemen kuwaasi oo ay sheegtay in dhibaatooyin ay kasoo gaareen dagaalada ka socda dalkaasi.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa waxaa ay ku sheegtay inay aad ugu walaacsantahay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka...
Sarkaal sare oo Dowladda Uganda looga dilay dagaaladii Muqdisho
Dowladda Uganda ayaa qiratay in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ku sugan Magaalada Muqdisho lagu dilay dagaaladii maalintii sabtida aheyd ee ka dhacay degmada Boondheere.
Wargeyska Daily Monitor oo ka soo baxa Magaalada Kampala ayaa sheegay maanta in Sarkaalka Ciidamada Uganda uu ahaa G/sare, waana sarkaalkii ugu daraja sareeyay ee lagu dilo dagaalada Muqdisho.
Inkastoo...