Home » WARARKA » Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha maamulka Jubba Jaziira state oo ka dhacday Nairobi + Sawirro.

Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha maamulka Jubba Jaziira state oo ka dhacday Nairobi + Sawirro.


Xaflad si Ballaaran loo soo agaasimay  lagu soo dhaweynayo madaxweynaha maamulka goboleedka jubba jazeera state ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, Munasabadaan  waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada jubba jazeera state  ay ku nool wadan Kenya.

Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha bulshada somaliyeed   Masuuliyiin ka socotay Maamul Goboleedka Hiiraan and Midland State, Xisbiga SPP, Ururka Ahlu Sunnah wal Jamaaca, Saraakiil ka socotay Safaaradda Soomaalida ee Kenya, Salaadiin iyo Dhamaan qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

 

Axmed Sh.Aadan Shuqul oo ah gudoomiyaha ahllu sunna waljameeca  gobolka banadir oo ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in ay aad usoo dhaweynaayaan Madaxweynaha Maamulkaan, waxa uuna qeexay in Maamulkan Jubba Jaziira la magac baxay uu ka mid yahay Maamulada ugu Macquulsan ee ka bixin kara Dhibaatada Wadanka Soomaaliya

Cali Xaash oo ka mid ah Maamul Goboleedka Hiiraan and Midland State i oo isna ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in Ka Maamul ahaan ay aad usoo dhaweynaayaan Booqashada uu Madaxweyne Eng. Cabdi ku Yimid Magaalada Nairobi.

Kooxda fanaaninta  horseed band ayaa kusoo bandhigay heeso wadaniyad iyo dhiiiro galen xambaarsanaa shacabka kasoo qeyb galay xaflada oo ay Hogaaminaayeen Maxamuud Goox Qarboosh iyo Muslimo Qaasim Hilowle.

 

Madaxweynaha Jubba Jaziira Eng. Cabdi Axmed Cusmaan oo qudbad gaaban ka jeediyay Munaasabadda ayaa uga Mahad Celiyay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay iyo Kuwii soo qaban qaabiyay Xafalladdan qaabka quruxda badan oo ay usoo dhaweeyeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Maamulkiisu uu u taaganyahay Nabadeynta iyo Xal u Helidda Umadda Soomaaliyeed oo Colaado iyo abaaro isugu darsameen 20-kii Sano ee u dambeesay.

 

W/Q Abdullahi Abdisalam

Abdullahi.Abdisalam

 

 

 

2 Responses to " Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha maamulka Jubba Jaziira state oo ka dhacday Nairobi + Sawirro. "

  1. taageero balaaran baynu u haynaa maamulka jubba jazira hadaynu nahay siyaasiyiinta ka soo jeeddo gobolada jubbooyinka kuna abtirsado beesha shiikhaal,kuwaas oo ah kuwa ku dhashay deegaanadaas,balse kuwa u dhashay iyagana waa in ay taageeraan,

  2. sakariyaq says:

    A/C waa wax lagu qoslo dhulka la isku xirayo oo aad u kala fod. Caadifaddu haddi ay weynaato qar iska xoor ayeey noqoneysaa, JUbba iyo Jassira maxaa iska galay , taas waxaa la mid ah Raso Jubba State war hadaladaan ka xishooda cagliga fiyoow waa didayaa hadalada aan xikmadda laheyn.

Leave a comment