Home » Archive for April, 2011

Qaddafi oo ku baaqay Xabad joojin iyo Wadahadal

Hogaamiyaha dalka Liibiya Col.Mucamar Qadaafi ayaa xalay saq dhexe si toos ah khudbad uga soo jeediyey telefishonka dowlada Liibiya ee magaalada Tripoli. Khudbadan ayuu hogaamiyaha Liibiya ku baaqay in dhamaan dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay hirgeliyaan xabad joojin. “…anagu mar walba diyaar baanu u ahayn xabad joojin..laakiin xabad joojintaasi waa inay noqoto mid ay dhaqan geliyaan dhamaan... 

DFKMG oo iska fogeysay eedayntii uga timid Puntland

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada Md.C/kariin Xasan Jaamac oo ku sugan dalka imaaraadka Carabta ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland uu usoo jeediyay Dowlada KMG-ah oo uu hseegay inay lug ku leedahay Xasilooni darada ka aloosan deegaanadaasi. “Hadafka Dowladda KMG-ah waa Nabbadeynta iyo dibuheshiisiinta Soomaaliya ,weligeedna qorshaha kuma darsan... 

Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha maamulka Jubba Jaziira state oo ka dhacday Nairobi + Sawirro.

Xaflad si Ballaaran loo soo agaasimay  lagu soo dhaweynayo madaxweynaha maamulka goboleedka jubba jazeera state ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, Munasabadaan  waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada jubba jazeera state  ay ku nool wadan Kenya. Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha bulshada somaliyeed   Masuuliyiin ka socotay Maamul Goboleedka Hiiraan and Midland State, Xisbiga... 

Dowlada oo Ciidamoku uruurineyso Dhoobley

Magaalada Dhoobley ee koonfurta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul ciidan oo ay halkaasi ka wadaan xubno ka socda DFKMG iyo Kooxda Raaskambooni. Kulamada ka socda magaalada Dhoobley ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii ay degmadaasi la wareegeen ciidamada taageersan DFKMG ee lagu soo tababaray Kenya iyo Itoobiya oo ay garab siinayaan maleeshiyaadka kooxda Raaskambooni. Waxaa magaalada... 

Al Shabaab oo isaga baxday degmooyinka Bardaale iyo Waajid

Wararka kasoo baxaya gobalka Bakool ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay saaka ay isaga baxeen degmooyinka Waajid iyo Bardaale. Shacabka ayaa saaka ku baraarugay gaadiidka dagaalka ee Al Shabaab oo si iskood ah u baneeyey magaalada Waajid iyo waliba magaalada Bardaale oo labaduba ay saaka isaga baxeen xoogaga Xarakada Al Shabaab. Ma jiraan wax dagaalo ah oo magaalooyinkaasi ka dhacay waxaana la sheegay... 

Ujeedda iyo Natiijadda shirka Mahiga

Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM, Dr. Augustine Mahiga, ayaa sheegay in heshiiskii Djibouti uu waajib isaga uga dhigayo in uu ka shaqeeyo wada hadalka dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay in shirkani ahaa shir wada tashi ay Soomaalidu yeelato, wakiillada beesha caalamkuna ay ka ahaan doonaan kor joogto. Mahiga wuxuu ugu baaqay dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalidu in ay muujiyaan... 

Jaamacada Carabta oo shir muhiim ah ku leh Qaahira

Wadamada xubnaha ka ah Jaamacada Carabta ayaa maanta shir aan caadi ahay uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa xaalada ka jirta dalka Liibiya. Shirkan ayaa imaanaya maalin kadib markii magaalada Doha ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey kulan ay yeesheen wadamada daneeya dalka Liibiya ee loogu magacdaray International Contact Group on Libya, kulankaasi ayaa... 

Shirkii wadatashiga ee ka soconaayey Nairobi oo Qodobo laga soo saaray.

Shir  labo maalmood socday oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi. Shirkaan oo loo diiday Warbaahinta ayaa qaatay muddo dheer kadib markii la isku mari waayay qodobada qaar iyo qaabka loo soo saarayo go’aamada. Warar hoose oo ay Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in wakiilkii Dawladda Maraykanka u fadhiyay Shirka uu isaga baxay goobtii uu shirku ka... 

PRESS RELEASE by SOMALI ANTI-CORRUPTION AND DEMOCRACY INITIATIVE

SOMALI ANTI-CORRUPTION AND DEMOCRACY INITIATIVE SACDI (Integrity in action) Statement by the Executive Director of SACDI – Farhan Ali Mohamoud – on the High levelConsultative Meeting on Somalia. PRESS RELEASE Thursday  14th  April, 2011 It is with great regret that the actions and the outcome so far of the High levelConsultative Meeting on Somalia has only been disappointing and clearly... 

Faransiiska oo gacanta ku dhigay Laurent Gbagbo

xoogaga Faransiiska oo aad u hubeysan ayna taageerayaan Gawaari gaashaaman iyo diyaarado qumaatiga u kaca ayaa ugu dhacay Hoygii uu degenaa Madaxweynihii caalamka u aqoonsanaa in looga itaal roonaaday doorashooyinkii Bishii November Laurent Gbagbo, kaasoo kama dambey todobaadyo dagaalo socday maanta hacanta lagu dhigay. Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay kadib markii weerar ku qaadeen dhismaha uu...