Home » WARARKA » XAflad lagu taageerayay Dowlad goboleedka Doxa State oo Muqdisho ka dhacday – sawiro

XAflad lagu taageerayay Dowlad goboleedka Doxa State oo Muqdisho ka dhacday – sawiro


Waxgarad, Nabadoono, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dadweyne fara badan oo degan magaalada Muqdisho kana qeyb galay munaasabad lagu taageerayay dhismaha Dowlad goboleedka Doxa State ayaa ka dhacday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka soo qeyb galay munaasabadda taageerada ah waxaa ka mid ahaa Imaamka beelaha H/Gidir, Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Suldaan Abuukar Socdaal iyo xubno kale oo fara badan.

Suldaan Abuukar Socdaal oo ka mid ah waxgaradka beelaha Karinle ee ka soo qeyb galay munaasabadda lagu taageerayay maamul goboleedka Doxa State ayaa sheegay in maamulka cusub ee lagu soo dhisay Koofurta wadanka Ameerika uu horseed u noqon doono maamul goboleedyada dalka ka hana qaaday, wuxuuna ku booriyay in Madaxweynaha dowlad goboleedka Doxa State uu wax ka qabto xaaladda abaaraha ka jira degaanada uu ka kooban yahay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Doxa State Md. Bashiir C/llaahi Abshir ayaa lagu soo bandhigay goobta ay ka dhaceysay xafladda taageerada ah, waxaana mar kaliya istaagay iyagoona cod mideysan ku taageeray isla markaana ku soo dhoweeyay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar C/lle Axmed (Cumar Jacfaan) oo sheegay inay tahay wax lagu farxo haddiiba degaanada Dooxa ay sameysteen maamul, taasi oo uu sheegay inuusan isagu marnaba ku fikireynin in maamul goboleed loo magacaabo degaanadaasi, wuxuuna sheegay inay aad u soo dhoweynayaan.

Abwaan Maxamed Maxamuud Sahal (Shiddo) oo isna halkaasi ka jeediyay furitaanka munaasabadda taageerada ah, ayaa sheegay in maamul goboleedka cusub ee Doxa State lagu dhisay Koofurta wadanka Mareykanka, isagoo sheegay inay ku garab taagan yihiin sidii maamulkaasi loo xoojin lahaa isla markaana uu noqdo geed ay harsadaan dadka ka soo jeeda Dooxa.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Fannaanada Binti Cumar Gacal, Imaam C/llaahi Khaliif Rooble, Nabadoon Daahir Maxamed Nuur, Nabadoon C/Shakuur Xasan, Bishaaro, Ugaas Muxudiin iyo qaar kale, waxayna dhammaan xubnahaasi halkaasi ka jeediyeen khudbado isugu jira talooyin, gubaabin iyo taageero ay ku garab gelayaan maamul goboleedka Dooxa State.

2 Responses to " XAflad lagu taageerayay Dowlad goboleedka Doxa State oo Muqdisho ka dhacday – sawiro "

  1. burka xaaji says:

    maasha,a allaha wa awax laagu faarxo maxaa yeelay wa taageeradii ugu horeeysay oo loo qabto maamulka amam xaflaadii anigana hdaan nahay reer usa waxaan soo wadnaa xflad laga dba dhacay 9insha, alalah guuleeysta guuleeysta dhamaan reer dooxa land

  2. Zakariye says:

    aad iyo aad ayaan ugu farax san nahay una soo dhawayneeyaa maamulka iyo madaxwaynahaba

Leave a comment