Home » Archive for March, 2011

XAflad lagu taageerayay Dowlad goboleedka Doxa State oo Muqdisho ka dhacday – sawiro

Waxgarad, Nabadoono, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dadweyne fara badan oo degan magaalada Muqdisho kana qeyb galay munaasabad lagu taageerayay dhismaha Dowlad goboleedka Doxa State ayaa ka dhacday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Xubnaha ka soo qeyb galay munaasabadda taageerada ah waxaa ka mid ahaa Imaamka beelaha H/Gidir, Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Suldaan Abuukar Socdaal... 

Madaxweyne Shariif oo booqday qeybo ka mid ah aagaga dagaalka Boondheere

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socdaal ku tagay qeybo ka mid ah aagaga dagaalka Muqdisho, xilli maanta jihooyin ka mid ah Caasimada ay dagaalo ka qaadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG oo dhufeysyo kala wareegay dhanka Shabaab. Madaxweynaha ayaa tagay dhabarka dambe ee Hotelka Wehliye, halkaas oo Ciidamada Dowladda aagga Hodan ay kaga daa-dageen wadada Maka Al-Mukarama,... 

Dowlada KMG Xukuumada iskuul lacag la’aan ah ka furtay Muqdish

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta iskuul lacag la’aan ah ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay jiraan caruur badan oo u baahan in ay helaan waxbarasho islamarkaana aan heysan awood ay isaga bixiyaan qarasha wax barashada.   Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya Muuse Faarax xayd oo maanta booqasho ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan... 

Xubnaha Barlamanka oo eedeegay gudiga deeqaha ee DKMG

Gudiga gargaarka Barlamanka Soomaaliya ayaa gudiga abaaraha qaranka Soomaaliyeed waxaa ay ku eedeeyeen in aysan waxba ka qaban xaalada dadka ku dhibaateysan gobolada dalka ee abaaruhu ay heystaan.   Xildhibaano ka tirsan gudiga gargaarka ee Barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan booqday xeryo ay ku noolyihiin qoysas barakacayaal ah oo kuyaala siligii hore ee Ameerikaanka ee degmada wadajir... 

Dalalka reer Galbeedka oo duulaan cirka iyo bada ku qaaday dalka Liibiya

Xoogaga dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa weeraradii ugu horeeyey xalay ku qaaday xarumaha militariga ee dalka Liibiya, ayagoo adeegsaday diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka. Maraakiibta dagaalka ee leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa 120 gantaal ku tuuray xarumaha difaaca cirka ee dalka Liibiya, ayagoo sheegay inay xoojinayaan go’aankii Golaha Amaanka... 

Qaxooti Soomaali Ah Ayaa Gaaray Dalka Tunisia

Qaxooti Soomaali ah oo kasoo cararay dalka Libiya ayaa gaaray xeryo qaxooti oo ku yaalla dalka Tuuniisiya ee isla waqooyiga Africa. Dadkan Soomaalida ah oo gaaraaya 1,000 ruux ayaa waxay gaareen xero qaxooti oo ay maamusho hay’adda qaxootiga u qaabisan Qaramada Midoobay ee UNHCR, dadkan oo aad u dhibaataysanaa ayaa waxaa loo qaybiyey gargaar ay kamid yihiin biyo iyo cunto. Sarkaal u hadlay UNHCR... 

Barlamanka oo sheegay in doorashada lagu qabanayo Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka dhacayso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya magaalada Muqdisho, ayna socoto qabanqaabadii magacaabidda guddigii diyaarin lahaa doorashadaas. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu saxaafadda u akhriyay shalay gallinkii dambe guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Cawad Axmed... 

Al Shabaab oo Beesha Muduloodka dalbaday taageero

Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ururka Al-Shabaab uu soo qabanqaabiyay isla markaana lagu martiqaaday xubno ka tirsan beesha Muddulood ayaa looga dalbaday in beeshu taageero ka geysato halganka Shabaabka ugu jiro sidii uu ku qabsan lahaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo guud ahaan dalka oo dhan. Shirkaan ayaa madaxda Al-Shabaab iyo xubnaha beesha Muddulood... 

Xasan Dahir oo qiray markii u horeysay in caruur ay dagaal geliyeen

Shiikh Xassan Daahir Aways oo kamid ah saraakiisha sar sare ee xarakada Al-shabaab horayna usoo ahaa guddoomiyahii Ururkii Xisbul Islaam ayaa shaaciyey in ay jiraan carruur u dagaalanta Al-shabaab. Xassan Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan carruur da’yar oo uu majaahidiin ku tilmaamay kuwaasi oo dagaal kala hortaga Ciidmada Dawladda iyo kuwa AMISOM. Waxa uu intaasi ku... 

Golaha Wasiiradda Dawladda KMG ah oo Muqdisho Kulan ku Yeeshay

Waxaa maanta shirkiisii caadiga ahaa isugu yimid golaha wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxaana shirkaasi guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar. Kolkii uu furmay shirka kaddib wuxuu guddoomiyuhu ka codsaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay golaha...