Home » WARARKA » Halyey Cali Ameerico oo xabsi ka soo daayay 80 maxaabiis Soomaali – sawiro

Halyey Cali Ameerico oo xabsi ka soo daayay 80 maxaabiis Soomaali – sawiro

Safiirka Somalida ee dalka Kenya ayaa sheegay in maanta ay ku guuleysteen xabsi ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya in ay ka sii daaayaan maxaabiis Soomaali ah oo tiradoodu ay gaareyso 80 ruux kuwaasoo xiliyo kala duwan la soo xiray ka dib markii lagu eedeeyey iney si sharci daro ah ku soo galeen gudaha dalkaasi.

Safiirka Somalida ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Amerika) oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Mombasa ayaa waxaa uu sheegay in sii deynta maxaabiista Soomaalida ay ka dambeysay markii ay wadahadalo qaatay muddo dheer la galeen masuuliyinta dowlada Kenya, kuwaasoo uu sheegay in ugu dambeyn ku qanciyeen iney sii daayaan dadkaasi Soomaalida oo isugu jira rag iyo dumar.

“Markii la sii daayey ka dib dadkan waxaan rabnay inaan iska fasaxno basas ayaan u diyaarinay hase ahaatee waxaan ka baqnay in mar labaad ay hadana qabtaan ciidamada amaanka maadaaama aysan sharci wadanin, ka dib waxaan wadahadalo la yeelanay madaxda QM gaar ahaan kuwa Kenya u jooga UNHCR waxaana u sheegnay sida ay wax u jiraan, ka dib waxaa la saaray baabuur gaar ah oo lagu geeyo xeryaha qaxootiga oo ay ku jiraan dad badan oo Soomaali ah” ayuu intaa ku daray Safiir Amerika.

Soomaalida ku nool Magaaladda Mombasa iyo maxaabiista la sii daayey ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalka Maxamed Cali America uu sameeyey iyagoo ku tilmaamay Halyeygii Qarniga maadaama uu ka shaqaynayo sidii loo xushmayn lahaa oo loo daryeeli lahaa Soomaalida dhibta uga soo cararay dalkooda ay dagaaladu aafeeyeen, waxayna ugu baaqeen safiirka inuu sii wado dedaalkiisa uu ku garab taagan tahay shacabkiisa.

7 Responses to " Halyey Cali Ameerico oo xabsi ka soo daayay 80 maxaabiis Soomaali – sawiro "

  1. Jaahos says:

    Aaad baan ugu faraxsanahay inaan arko dhalin yaro wali heleysa qof mas’uuliddooda sheeganaya oo u doodaya soona deynaya, walibana Soomaali ah.. Danjire Ameeriko noolow howl wacanna waan kuu rajeynaayaa.

  2. nasteexo says:

    acs wr wb
    cali ameerico waan salamay intii ladoono waxaan leyeeyahay noolow qof walba oo soomali ah wuxuu uqabto dadkiisa maanta tariiqday ugujirtaa markaan ankay sawirada ciyaalkayaryar ee ag dhooban runtii waan farxay. waxaan kaloo raga soomaliyeed kabaryaayna in aay sida cali ameerico oo kale ugu aadeegaan dadkooda.jk.

  3. mahad says:

    waa mahadas yahay waan muwaadin mudan in lagu daydo taariikhda ayaana xusi doontaa,

  4. famous says:

    ambasodor ali waxaad somalia ka geleysaa baal dahab ah wanaaga aad u sameynaysid walaalahaa somalida ah ileeheyna ajir buu kaa siinayaa. somalia waxa eey u baahan tahay adigoo kale-
    abdi hassan

  5. mahamed cali ameeriko walaal waa ku salaamay salaan ka dib walaal ilaahay ha kaa ajirsiiyo wanaag aa walalaah soomaali u qabtay walaahi waa kugu faraxay ilaahay waxaad ku faraxdo alaha ku siiyo aaaammmmiiin

  6. Hassank says:

    Cali ameriko wa muwadin dhab ah mana ibsan dalkisa iyo dadkisa kuwa caloshod ushaqeystayalka ah alle wadada saxda ah haku so hanunsho amin

  7. sahra says:

    waan faraxasanahey walalkey waxatahey ninka an kufanidoon hadenaladhaho nin xun baaqateen ali amereko markin miyaa waxa u sabab ah dhalinyarada aatahey noolaw adegana ku dooran doona elin baa ega socato hada seda ugu dhaxjerto dhalinyarada waxan aha mamo sharo

Leave a comment