- Qoraaga warbixintan waxa uu muddo sanad ku dhawaad ah ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee DFKMG, waana qoraallo xiriir ah.
Hordhac
Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.
Qoraalkani waxaa uu kamid yahay qaylo dhaan oo aan ku cadeenayo qoraal la magac baxay somaaliya waa iib (Somalia for sale) qaybtan ah Somalia for sale waa qayb kamid ah qoraaladaas laguna faafin doono aaladda internetka.
Majecli in aan badanaa qof aan si khaas ah u falan qeeyo dabcigayguna ma ahan, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo anoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed. Waxaa socda boob qarameed oo meel walba ah, waxaa waajib ah in la galo dagaal lagu bad baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.
Muddo ku dhawaad ah sanad ayaan ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada), fikradda ama shaqsiga aan sharxayo ama wasaaradda waxaan ka Sheegayaa inta aan ka ogahay ee ku kooban mudada aan sheegay iyo inta aan ka Aruuriyay hamigiisa siyaasadeed iyo qaabka uu u shaqeeyo iyo kaalinta uu ku leeyahay boobka qaranka asagoo ah ku xigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka maaliyadda iyo hada oo ay mareyso khilaafka meeshii ugu darnayd iyo saameynta uu ku leeyahay arinkaas anigoo ku Cadeenayo waxa uu sameeyay oo kaliya oo aanan ka sheegayn wax aanan ahayn Xaqiiqo ama aanan jirin.
Iyo waliba Xariirka ka dhaxeeya madaxweynaha soomaaliya sharif sh. Axmed iyo shariif xasan, Waayo waxaa jira in dad badan is weydiinayaan waa nin noocee ah Shariif Xasan kawaran xaaladiisa oo soomaalida oo dhan ay is weydiiyaan ama Mas’uuliyiin ha ahaadaan ama shacab marka waa in bal wax yar aan u iftiimiyaa.
Shariif Xasan iyo xariirka asaga iyo madaxweynaha
Bilawgii is barashadda
Laba qof barashadoodu kuma xirna in ay hal meel ku soo wada koraan ama ay hal deegaan kawada yimaadaan, ee dadku waa is baran karaan waana isku fiicnaan karaan laakiin waa inay leedahay xad xira siiba marka ay joogto qaran iyo maamul.
Waa markii ay iska heleen labada shariif (AFGOOYE)
Intaa kadib waxaa ii suura gashay in aan kor ka barto mudane shariif Xasan, wasiirka maaliyada, kadib na maadaama aan badanaa joogo madaxtooyada waan ar-arki jiray. Wasiirka badanaa ma’uusan lahayn xafiis uu fadhiisto inta uu joogo Muqdisho badanaana waa ay koobnayd inta uu joogo markuu imaadana waxaa uu ku soo dagi jiray booska uu ugu jecelyahay madaxtooyada waa xafiiska madaxweynaha dabaqa ka sareeya oo markii hore loogu tala galay in uu madaxweynaha ku nasto marka uu daalo, ama uu ku qadeenayo meeshaas ayada ah. Waxaa halkaas si toos u daganaa wasiirka maaliyada, waana uu jeclaa badanaa dhanka amaanka iyo dhanka istiraatiijiyada intaba.
Guri weyn oo looga kireeyay aaga uu ku yaala aqalka iyo xafiiska R/wasaaraha ma’uusan u wareegin, mana uu jeclayn xaga amaanka darteed, waa sida asagu aaminsanaa.
Sawirka hoose waa: Xafiiska madaxweynaha calaamada cagaaran iyo xafiiska shariif xasan calaamada gaduudan.

Asc runti dadka o dhan way la socdan sh sakin inuusan ka naxeyn dalka iyo dadka waxaanse la yaaban baarlamankan loo baahnaa dimbile sakin inay mooshin ka keenaan ayagaaba ka xun oo danbile qaran u yahay afayen
marka hore waxaan salaamayaa qoraaga waadna ku mahadsantahay waxa ilaah ku baray ay waajib u tahay in aad umadaada uga fa’ideysid tan oo kale ayaa ka mid ah, hadaan u soo noqdo somaliya waa iib iyo shariif sakiin waaba ka xuntahay arinta waxaan is leeyahay hadii lagu iibsado si doontaba ha ahaatee waad noolaaneysaa, balse shariif sakiin waxa uu wado ama sameeyey waa in uu laayo soomaalida oo dhan asagoon u eeegeyn shaqsi, qabiil iyo muslinimaba, waxaanse qabaa asaga waxaaba ka xun 550 qof oo arintan og oo asagana hor fadhiya madax u yahay raalina ka ah ayaa ka xun ayagoon xoog lagu haysan ayuu hor fadhiyaa waxay la mid tahay raali ayaan ka nahay waxaad doontana samee.
waxa wax lahubu ah ay somalidu tahay iib maxaayeelay waxay udhaxaysaa wax magarato kasoo biloow cabdulaahi yuusuf maxayeelay cabdulahi wuxx wadanka keena amxaro oo aynaga dhaxaysoo cadawti nimo 1000 sano jisatay waxaase kase daran yeey ushaqeeyaan xasan dahir awees iyo wali ninka cucaanbaxay khilafka shariif xsan sh adanwaxa iga su aal ah ragani mawaxay ushaqeeyaay cadaw mise calooshooda ayee latashtaan ookaliya? mafilaayo ineey leeyihii dadnimi iyo waliba damiir soomali nimo xagey kafirsadeen ragaasi?
Walal waad mahadsantahay